Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka

Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka[Transportstyrelsen] waxey shaqadooda tahay in ey u fududeeyaan, tayada kordhiyaan, ey hubiyaan iyo deegaanka u waafajiyaan gaadiidada sida tareenada, kuwa hawada ku duulo, kuwa badaha iyo wadooyinka baabuurta. Anaga baa xeerarka soo hindisno, oggolanshada bixino iyo hubino in xeerarka lagu dhaqmaayo. Anagoo adeegsaneyno diwaangalinteena baa waxyaabaha aan ka shaqeyno kamid ah kharashyada, oggolaansho bixinta iyo kala badalashada mas'uuliyada baabuurta.

Anaga tirada shaqaalaheena waa 1 750 qofood, oo 13 magaalood dhammaan wadanka. Shaqaalaha inta ugu badan waxey kala joogaan Borlänge, Norrköping iyo Örebro. Xafiiska maamulka wuxu ku yaal Norrköping.

Anaga ra'yiga shaqadeyna

Anaga waxa rabnaa inaa nidaamka wadooyinka gaadiidka aan horumarino anagoo dhowreyno ammaanta, deegaanka iyo caafimaadka. Anaga oo xushmeyneyno waxa ey u geysankarto bulshada iyo ganacsatada baa xeerar cusub soo hindisnaa iyo hubinaa sida loogu dhaqmaayo. Anaga bulshada wadanka waxaa siinaa warbixinada ku sabsan gaadiidyada iyo direelawada. Anaga shaqadeyna aragti dhameystiran baa ka haysanaa iyo si aad u wanagsan baa la xiriirka bulshada u fulinaa.

Wadooyinka baabuurta

Dhammaan rakaabka, xitaa kuwa baaskiilada wato ama socdo, wuu qaban xeerarka gaadiidka. Xeerarkaasna meelkasto wey qaban, wadooyinka iyo duulka kale. Xeerarka gaadiidka waxaa noo sii dheer xeerarka calaamadaha jidadka.
Anaga baa suubino iyo dadka u soo dirno batantaha iswiidhishka oo wadida baabuurta iyo taargada baabuurta. Anaga baa mas'uul ka ah soo saarida qoraalada ku saabsan barashada baabuur wadida iyo imtixaamada dareelawada, iyo soo diyaarinta imtixaamada aqoonta oo baabuur wadida dhammaan batantayaasha. Markey noqoto gaadiidyada ganacsatada anaga baa xeerarka soo saarno, oo sida arrimaha qofkii ku shaqeysanaayo dareewelno, aqoonta looga baahanyahay, bixino oggolanshada ey ubaahanyihiin shirkadaha qalab raro iyo shirkadooyinka basaska iyo xeerarka gaadiidyada culus sida balacooda iyo miisaankooda. Farsamada oo looga baahanyahay gaadiidka wadamada caalamka baa ku wada heshiiyaan, oo anaga oo ah guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka waa ka qeyb-qaadana, oo markaas kadib baa qoraaladeyna oo xeerarka baa ku muujinaa. Anaga baa xitaa hubino sidey shirkadaha suubiyo baaritaanka iyo hubinta hagaagnaashada baabuurta.

Wadooyinka tareemada

Anaga baa bixo oggolanshada iyo hubino shirkadooyinka isticmaalo wadooyinka tareemada oo Iswiidhan. Arrintaan waxey ku saabsankarta dhismada nidaamka wadooyinka iyo daryeelka sida camal Hey'adda gaadiidka iyo shirkadaha oo shaqsiga ah. Anaga baa ansaxino baabuurta, wadooyinka, nalalka wadooyinka inta la isticmaalin ka hore. Inaa hubino in nidaamka wadooyinka shirkadaha isku si u wada isticmaalikaran, iyo in caafimaadka shaqaalaha oo saameyneeyn iyo caafimaad baaritaan in la siiyo shaqaalaha wadooyinka tareenka ka shaqeeyo.

Badmaaxnimada

Anaga waxaa hubinaa xeerarka iyo oggolanshada wadanka iswiidhan iyo kuwa dibada oo maraakiibta in ey badmereynteena ey ku xad gudbin. Shaqada markaa qabaneyno waxa baarnaa maraakiibta iyo dakadaha. Anaga baa hubino in si sax ah maraakiibta wax loogu raraayo iyo looga dajinaayo, iyo in shaqaalaha saaran maraakiibta aqoon habboon ey wataan.
Shirkadaha oo maraakiibta oo bulshada qaado waa in ey xujooyinka fulinkaran, iyo in ey taxadar ka suubiyaan ineysan shil uusan dhicin. Anaga baa heyno diiwaangalinta dhammaan maraakiibt, iyo wixi warbixin oo ku saabsan maraakiibta oo u baahan oggolansho.

Gaadiidyada cirka ku duulo

Anaga bey shaqadeyna tahay in aan hubino mashiinada duulo ey munaasab ey yihiin oo ey u fiicanyihiin bulshada raaceyso, iyo shirkadaha shaqsiga oo duulo si wanagsan ey u tartamikaran. Sidaa shaqadaan ugu guuleysankarno anaga baa mas'uul ka ah bixinta oggolanshada bayloodnimada, shirkadaha diyaaradaha iyo gego diyaaradaha.
Xeerarka badanaa oo cirka iyo diyaaradaha ku sabsan waxa go'aamiyo qaramada caalamka.
Anaga shaqadeyna markaas waxey tahay inaa nidaamkaas wadankeena ku waafajino, bulshada ogeysiino iyo xeerarka lagu dhaqmo. Anaga baa oggolanshada siino shirkadaha diyaaradaha oo isticmaalo hawada Iswiidhan.

La soo xiriir Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka

Adiga ku soo dhawaaw oo na soo wac anaga oo ka shaqeyno Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka, oo waxa naga soo wici karta telefoon lambarkeena 0771-503 503.

Hadii aad wadanka ba’naankiisa naga soo waceysid waxa isticmaashaa telefoon lambarkaan +46 771 503 503. Shaqaalaha oo telefoonka kaa qabanaayo waxey ku hadlaan iswiidhishka iyo ingiriska.

Guddiga qaabilsan arrimaha gaadiidka telefoonkooda wuxu furanyahay maalmaha shaqada isniin ilaa jimco saacadaha 8:00 ilaa 4:30.